Cosob iyo dhul baadloo
geed caws ku caan oo
iyo dhira caleemeed
sadexdu is cidhiidhsheen
oo darar cawaysimay
kaga hooray cidhifyada
qoraxduna cadaysoo
casaan gaaban ay tahay
oo camalka doogada
dhulku midab cagaar yahay
curubtii magooshiyo
lagu mood tin iyo cidhib
falaadhaha cadceede

Ilaahay nin caasi ah
yaanu cududa kuu galin
Ilaahay mid cadho badan
yaanu cidhifka kuu sudhin
midaan caashaq kuu noqon
yaanu calaf ba kuu galin
noloshaadu caarcaar
yaay cidhib xumaan noqon

Timaheedu waa culay
camal saynata gari lo
caaro looga duwin faras
caynadeeda guud ke
cadaan haw badnaatee
indhaheedu waa cawl
cidhifkana madooboo
nuur lagu cidaadshe
curdin weeye uguboo
oon seed ku celisiyo
lafa culus lahaynoo
cunaha kuu maraysoo
caydhin yahay jidhkeedu ye
Ilaahay nin caasi ah
yaanu cududa kuu galin

Ilaahay mid cadho badan
yaanu cidhifka kuu sudhin
midaan caashaq kuu noqon
yaanu calaf ba kuu galin
noloshaadu caarcaar
yaay cidhib xumaan noqon

Lyrics By Mataan

Exit mobile version