VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dabadey jiroow - Lyrics

Nin damqadayba taahyeey ninuu dagayba heesyeey waa sidaa daruurtee danab dabeel iyo hilaac jacaylku igu da'ay Ninkii dooxa reer fura daad kamaa foogaade anoo taydiiba u daran doox igu jabyee Doon raacayeey duufaan cir iyo doonidii bad weyn ila durugtayeey Dibnaheeda ruux gala ilayn way duddumiyaan Dumar waan ka quuste dabaday jirrow Haween waa kuwa i dilay igu duwayna naaskee waa belo rag loo diray lama dayn karaaye Dahan racayeey kadar doontayeey dadan iyo hanfada damac igu xidhyeey Hadday dabacdu nacastuba walaal way u dirirtaa doqon waan ka quustee dabaday jirrow Ninkii duulimaad tagga dirir kama fogaade anigoon digniin qabin laygu soo dagyeey Dirgan waayayeey dugaag igu shiryeey dadqal iyo libaax debed iga helyeey Dibnaheeda ruux gala ilayn way dudubisaa doqon waan ka quuste dabaday jirrow Hadday dabacdu nacastuba walaal way u dirirtaa doqon waan ka quustee dabaday jirrow Waa iga dardaarane doqon lama gargaarsado dabaday jirrow doqon nabigaa sheegay dabaday jirrow dumar waa cadaawe dabaday jirrow
Queue is empty
-- / --