logo Masuul Top 100 songs lyrics chart Contact


A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hadii mp3 ahaan

Fikradaada ka dhiibo heestan

Hadii lyrics

hadii la iga beeray
curuuqda iyo jiidhkiyo
curadaydii kaliyey
Cosob iyo dhul baadloo geed caws ku caan oo
iyo dhira caleemeed sadexdu is cidhiidhsheen
oo darar cawaysimay kaga hooray cidhifyada
qoraxduna cadaysoo casaan gaaban ay tahay
oo camalka doogada dhulku midab cagaar yahay
curubtii magooshiyo lagu mood tin iyo cidhib
falaadhaha cadceede
Lyrics by Masuul.com

Ilaahay nin caasi ah yaanu cududa kuu galin
Ilaahay mid cadho badan yaanu cidhifka kuu sudhin
midaan caashaq kuu noqon yaanu calaf ba kuu galin
noloshaadu caarcaar yaay cidhib xumaan noqon
Timaheedu waa culay camal saynata gari lo
caaro looga duwin faras caynadeeda guud ke
cadaan haw badnaatee indhaheedu waa cawl
cidhifkana madooboo nuur lagu cidaadshe
curdin weeye uguboo oon seed ku celisiyo
lafa culus lahaynoo cunaha kuu maraysoo
caydhin yahay jidhkeedu ye
Ilaahay nin caasi ah yaanu cududa kuu galin
Ilaahay mid cadho badan yaanu cidhifka kuu sudhin
midaan caashaq kuu noqon yaanu calaf ba kuu galin
noloshaadu caarcaar yaay cidhib xumaan noqon

heesta ma shaqeeneeso fadlan nala socodsiiy
-- / --