VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gaaraabidihaan - Lyrics

Booqashiyo baxnaananeey Ruux bukaa bariidiyoo Booqashiyo baxnaananeey Balaayaa ka baqashiyoo Bariidiyoo baraasharee Babulaha libaaxaa Barqantii wareegtaa Buuraha shabeelkaan Ila baadh idhaahdaa Marka uuga hor boodaan Buuraha salaamaa Bakaylaha sidiisaan Bur caleen la seexdaa Wuxuu i baday jacaylku Wuxuu i baray ka sii daran Bil labaad dhacaysiyo Birikaac hilaaciyo Gaaraabidhaankaan Kugu baadi doonaa Wuxuu i baday jacaylku Wuxuu i baray ka sii daran Bil labaad dhacaysiyo Birikaac hilaaciyo Bil labaad dhacaysiyo Birikaac hilaaciyo Gaaraabidhaankaan Kugu baadi doonaa Bal waxaan ku doonaa Barigeena midhiini Oo bacal igu gargaaree Bada waxa ku noolbaa Badanbeer cadaadana Bidhi inay isiiyaan Bal anigu qaadiye Bada waxa ku noolbaa Badanbeer cadaadana Bidhi inay isiiyaan Bal anigu qaadiye Wuxuu i baday jacaylku Wuxuu i baray ka sii daran Bil labaad dhacaysiyo Birikaac hilaaciyo Gaaraabidhaankaan Kugu baadi doonaa Wuxuu i baday jacaylku Wuxuu i baray ka sii daran Bil labaad dhacaysiyo Birikaac hilaaciyo Bil labaad dhacaysiyo Birikaac hilaaciyo Gaaraabidhaankaan Kugu baadi doonaa Hogan waxa ku rooraa Bahal hoose wali idhaa Haka baqan yidhaahdoo Noolaha la geeyaa Sawkaa ugaadhuna Nafta kaan u gaaraba Ritagay baroortoo Bacadka iga qaadee
Queue is empty
-- / --