VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta La yaab mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Abdi Tahliil
La yaab

Laygu kaa dul yookee
Wanaagana ma yeeshidee
Sideed iila yaabtaa
Yoon baad I gelisee

Yaxyaxiyo xishood baa
Igu yuurursadayoo
Jacayl igu yataay baa
Ii yeeranaayee

Yeeygiyo ugaadhaan
Xeryeha u yagleelaa
Yacca iyo atoorraa
Aan yamaar u daabtaa

Yuuqaba adeey baday
Yulqankiyo taahee
Laygu kaa dul yookee
Waanaga ma yeesheediye

Sideed iila yaabtaa,
Layaabtaa, sideed iila
Layaabtaa, layaabtaa
Yoon baad I gelisee

Kalgacayl yumuuyi
Yaryareeysi ma lahee
Yanyaboohistaadaa
Yaayaale qaadine
Yoociyo adoon noqon
Laanyiciga oo kale

Oo aan yu ashadeydana
Waa yeelkadaa odhan
Yabadhbaan ka heli lahaa
Hadaan dhagax u yeedhee
Laygu kaa dul yookee
Waanaagana ma yeeshidee

Sideed iila yaabtaa,
Layaabtaa, sideed iila
Layaabtaa, layaabtaa
Yoon baad I gelisee

Duul-ka yur idhi baan
Yaacaayey waaq lii
Oon yeel ku xidhay Geri
Ama yacay kusoo rarey
Igumaad yiqbooteen
Adoo yaalla haradee

Yaabyaabka iga daa
Waan kuu yahoomoo
Laygu kaa dul yookee
Waanaagana ma yeeshidee

Sideed iila yaabtaa,
Layaabtaa, sideed iila
Layaabtaa, layaabtaa
Yoon baad I gelisee

codkii Abdi Tahliil