VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sida faras bulaalo - Lyrics

Sida faras bulaalo aan xaaluf aragoo nugaal xeys ka daaqoo baruur dhabarku xoodmoo ama xalin fadhiyayoo la xanaanin jirayoo xuduntiyo feedhaha farawguu xardhoo oo xuub dhacsadayoo seyntu dhulka xaabtoo oo aan xajiiniyo wali mudan xatiiqo oo xariir ku taalkiyo xaglihii la surayoo hore loo xambaaroo xogogaale fuuloo oo xuufta boodada xawaaraha la yaaboo oon orodka xiiqeyn qaar baa xaraamee marka aan xagaagiyo xubnahaaga eegeba xiisoodayee xadentoodayee xoodaamayee Sida xiito geeloo xiligii gugii iyo inta ay xergeeyeen xodayo ay ka foofeen ama wiilal xooglihii inta ay xambaareen xidhadhkii hagoogane xeryo uga oodeen ama ay xayaabliyo banaanada xal-xaliseed keyn marnaba xaadheyn nirguhu ugu xidhan yihiin oo xamasku dooguna xagashaada gaadhoo roobna uu xuluushoy wadhantahay xareedii oo ay xagtiisiiyo xigtiisiiba taalo oo ay weelka xoorkiyo caanuhu xarfanayaan marka aan xagaagiyo xubnahaaga eegeba xisoodayee xadentoodayee xoodaamayee Sida geesi xididkiyo xigtadiisu jeceshahay oo xubinta hadalkiyo xaajada yaqaanoo oo xumaan sokeeyiyo lagu xaman bakheylnimo oo xoola bixintiyo deeqsinima ku xeeldheer oo loo xubeeroo sida xuladka nooloo xaashaan la dhaafeyn halka uu xariiqo amase xadiidkiyo xaqa diinta sheegoo xag Illaahay mooyee tii kaleba xooroo oo ay xertiisiyo dadkoo idil ku xoomaan oo ay xuural-ceyntiyo jannadii xusuusteen marka aan xagaagiyo xubnahaaga eegeba xiisoodayee xadentoodayee xoodaamayee
Queue is empty
-- / --