VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhaaxaan - Lyrics

Dhaaxaan dhaaxaan suleekhaay Sida saymo roob saaciyo ugbaad Nafta kugu saboon caashaqa sidee Caashaqa sidee samo iga gudoon 2x Waan kugu simee Sida sabi dhalaan Hani Waan kugu simee Sida sabi dhalaan Sacabada ku qaad 2x Hana sahashaninee Galiyoo sadriga Sambabada ku saaq Sambabada ku saaq 2x Jacaylkana saxoo Saablayda iyoo Ku sifee qalbiga Ku sifee qalbiga 2x Dhaaxaan dhaaxaan suleekhaay Sida siifad ubax sabad lagu nastiyo Saxansaxo udgoon kuu sahamiyee Kuu sahamiyee samo ila wadaag 2x Waad I sahayatee Saadaal rajo leh Waad I sahayatee Saadaal rajo leh Farxad igu salaan 2x Ha ka seexaninee Jidhka sooman iyo Sooryee wadnaha Sooryee wadnaha 2x Jacaylkana saxoo Saablayda iyoo Ku sifee qalbiga Ku sifee qalbiga 2x
Queue is empty
-- / --