Heesta Facebook - Lyrics
Waa hadimo caashaqu
Dadka qaar haleeloo
Hanaqiyo beerkiyo
Halbawlaha wareemee
Markii aan ku halacsaday
Soo hor joogsigaagii
La iigama horaynoo
Halisbaan ku suganee
Hotmail kaan adiga
Kaa haybiyaayoo
Facebookaan adiga
Kaa haybiyaayoo
Hubaal Waad ideeqdee
Goormaan ku helayaa
Hibaaqeey ayaamahan
Naftu aday ku hibatoo
Macaan kuu hanwayntee
Adiguna ha baylihin
Mar hadaan ku jantoo
Hablo kaa jeclaaday
Huuno ha igu daynoo
Hareetaada ila qabo
Marna ha igu daynoo
Hareertaada ila qabo