Heesta Keeyf - Lyrics
Inta uunka joogtiyo
Kumanaan hablaha kacay
Tii kali ahaydee
Kalgacayl I galisee
2x
Sida kaaha Waabari
Ama roob kaliilaayee
Ayaad adigu kayfeey
Ayaad adigu kayfeey
Naftu kugu kifaaxdaa
2x
Kulankeenii barashada
Kaafiyay naftaydoo
Kalsoonida I galiyee
Kalsoonida I galiyee
Kaalay ii kaalay kaalay
Kaalay laabta igu qabo
Kaalay kaalay kaalay kaalay
Kaalay laabta igu qabo
2x
Inta dumar kufkaagoo
Karti iyo wanaagba leh
Tii aan ka doortee
Kali maanka deeqdaay
2x
Kurbo iyo dhibaatiyo
Kadeed weeye duniduye
Hadii aanan kaa helin
Aanan adiga kaa helin
Kaamil noqotaa
2x
Kulankeenii barashada
Kaafiyay naftaydoo
Kalsoonida I galiyee
Kalsoonida I galiyee
Kaalay ii kaalay kaalay
Kaalay laabta igu qabo
Kaalay kaalay kaalay kaalay
Kaalay laabta igu qabo
2x