Heesta Sowda - Lyrics
Sarta dheeha midabkiyo
Sanqaroorka jaahiyo
Sunidaada dherarka le
Ma wax laga samraaba
Suniyaha is gaadhiyo
Siintaada labayga ah
Quruxdiyo sureerka le
Ma wax laga samraaba
Sowtay adiga mooyee
Dumar kale kasoomay
Xidigtii sideedaba
Saafida ahayde
Sabab eebe mooyee
Nafta maysku sidignaa
Sagal iyo daruureey
Saxansaxada roobkaay
Siinadaada dhaladka
Ma wax laga samraaba
Muxibo kuu sad guuriyo
Samo kuu abuuro
Dadnimada kusiiyee
Ma wax laga samraaba