VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Suleekha - Lyrics

Aduun waa silsiladoo Kuma saxan wareegoo Samadaa ninbaa tagee Nina uu silcaayaa 2x Midba soorta uu cuno Sahal aan ku soo qaban Nina saanadliyo maan Siduu doono yeela 2x Saatirkii na uumaa Sidan noogu tala galay Wixii subax uu kuu qoray Seegi maysid inanyahay 2x Adigoon suleekhaay Noqon sawjadaydee Miyaan seexan karayaa Suleekhaay seexan karayaa 2x Saxan saxo udgooneey Saymo roob da'aayaay Samirkiyo xishoodkana Hablo tii u sidataay 2x Dumar Taan ka soocdaay Samahaan filaayaay Suuradii ideeqdaay Seen kugu ilaawaa 2x Adigaan sir iyo caad Salka xididadaydiyo Seedaha jidhkaygiyo Laabtayda kugu saxay 2x Adigoon suleekhaay Noqon sawjadaydee Miyaan seexan karayaa Suleekhaay seexan karayaa 2x
Queue is empty
-- / --