Heesta Jarmal istareex - Lyrics
Iridhibanka reemiyo
Hadii ayda geeluba
Iridhiban ka reemiyo
Hadii ayda geeluba
Ilmahooda waayaan
Afka daah ma saaraan
Ololkana ma daayaan
2x
Adiguna ugaasooy
Hadaad i arko waydaba
Arimada kalgacalbaan
Ashqaraar la ooyaa
2x
Ha iloobine ii ogow
Umalkan iga bii
Ha iloobine ii ogow
Umulkan hoo iga bii
Naftu waa amaanee
I amaaniya dhawr bari
Istareex aan gaadhnee
Istareex
Uurkii wax jecelee
Arki waayay tuu rabay
Aramida ma lada oo
Anfacada ma quutoo
Urugana ma daayee
2x
Adiguna ugaasooy
Indhihii ku eegaybaa
Aragaaga jeceloo
Urugiyo xanuun qaba
2x
Ha iloobine ii ogow
Umalkan iga bii
Ha iloobine ii ogow
Umulkan alaa iga bii
Naftu waa amaanee
I amaan yaa dhawr bari
Istareex ha gaadhnee
Istareex ha gaadhee ii ogow