sida aniga aan qabo
oo aniga aan qabo
quruxdii aduunyada
qaadir kugu manaystoo
qaryniyan hablaha kacay
waad u qaayo wayntahay
qalbigaa ku raacoo
laabtaydaan ku qorantoo
kaa quusan maayee
quruxdaydiiyey marwo qaaliyaad tahay

qaaradaha aduunyada
qofba kii qadariyoo
naf laqaybsadaayoo
kuu qiray wanaagee
qaybtaada iga hoo
qawlkaaga wacanbaa
qalbigaygu raacoo
qiimaynta aadmigu
ay kugu qadirayaan
huuno macaan qaalibaad tahay

qiiradiyo dadnimadaan
kugu qaatay anigoo
qayrkaa aad ku dhaaftoo
qaabkiyo habsamidaan
deeqaan kugu jeclaaday
qalbigaa ku raacoo
laabtaydaad ku qorantood
kaa quusanmaayee
quruxdaydiiye hani
marwo qaaliyaad tahay
sida roob qayaadoo
qardho iyo nugaal helay
geeluna qayaas li i
looqaaday gaawaha
sida loo qadariyaan
ana kugu qabooboo
qawlkaaga wacanbaa
qalbigaygu raacoo
qiimaynta aadmigu
ay kugu qadariyaan huuno
macaan qaalibaad tahay

Exit mobile version