Waa jacayl aboodiyaa
Midkan ila arooree
La itaal dareeyoo
Asaagay iga reebayee

Waa adi daraadaa
Waxa lay ambinayee

Aan aduunka joogee
Ha i geeynin aakhiro

Ha ii ahaanin nacabee
Adoon iga adkaysan
Ayaan lay af duubin

Anba dhib kuma gaysane
Maxaad igu iloowday
Ayaan daran naftaydaa
Ii kaa arkootee

Aan adimadaydiyo
Eersado isheydee

Aan aduunka joogee
Ha i gaynin aakhiro

Ha ii ahaanin nacabee
Adoon iga adkaysan
Ayaan lay af duubin

Exit mobile version