VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Aan salgaarno - Lyrics

Sabanadan hablaha kacay Inantaan ka soocdaay Saacadii la joogaba Suuradaada o qudha Ayaa sudhan hortaydoo Ku sabaa naftaydee Sida sagal arooryaad Saxansaxo udgood badan Ayaad iila simantahoo Macaan kugu sifeeyaa Saatir waxaan ka tuugaa Sacabada u fidiyaa Samo inaan ku waarnoo Ka salgaarno caashaqa Caashaqa sidiisaba Waxaan sahal moodaba Wuxuu seeto adagiyo Igu xidhay silsiladoo Salaloo habeenkii Hurdo seexan waaye Saablayda feedhaha Saraaryada habawlaha Simaneey ku ladhantoo La,aantaa sahwiyayee Zaatir waxaan ka tuugaa Sacabada u fidiyaa Samo inaan ku waarnoo Ka salgaarno caashaqa
Queue is empty
-- / --