Sabanadan hablaha kacay
Inantaan ka soocdaay
Saacadii la joogaba
Suuradaada o qudha
Ayaa sudhan hortaydoo
Ku sabaa naftaydee
Sida sagal arooryaad
Saxansaxo udgood badan
Ayaad iila simantahoo
Macaan kugu sifeeyaa
Saatir waxaan ka tuugaa
Sacabada u fidiyaa
Samo inaan ku waarnoo
Ka salgaarno caashaqa

Caashaqa sidiisaba
Waxaan sahal moodaba
Wuxuu seeto adagiyo
Igu xidhay silsiladoo
Salaloo habeenkii
Hurdo seexan waaye
Saablayda feedhaha
Saraaryada habawlaha
Simaneey ku ladhantoo
La,aantaa sahwiyayee
Zaatir waxaan ka tuugaa
Sacabada u fidiyaa
Samo inaan ku waarnoo
Ka salgaarno caashaqa

Exit mobile version