Heesta Ayaan - Lyrics
Ayaaneey ayaaneey
Oori lagu farxoo
Arxan laga dhigtaay
Aan agteeda dhib lagu arag
Tii adeecda odaygeeda
Abidkeed u dhaga nugul
Illaahay hakaa dhigo
Qaalidoow aduunyadu
Aday kuu ahaatoo
Eebe kuu nimceeyee
Heshee aynigaagee
Ayaan ha u daraanoo
Waa qad yay darxumo arag
U koolkooli sidii ubad
Ambaqadyey guurkiinu
Alalaasi iyo duco khayre
Aqalkiina lagu taagye
Ha ahaado kii jira
Ayaaneey aduu ku idhoobayoo
Uu ku aaminee
Ashqaraar adaa
Amakaag ku dhaliyee
Sida ul iyo dir
U ahaada waligiin
Qaalidoow ayaan
Waa ehlu khayr
Ka ilaali cadhadiyo
Urrkutaaliyo ciil
Haka oohin caashaqu
Isla qabasho weeyee
Ambaqaadye guurkiinu
Alalaasiyo duco khayrle
Aqalkiina lagu taagye
Ha ahaado kii jira