VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Bisharo - Lyrics

Sida dhoolka guga,oo Mudug iyo gal dogob Dhulka udug ku hooroo Dhigay biyaha mudugiyo Dhabayaasha ciideed Oo ubax dhalaaliyo Dhaameelku baxayoo Dhafaruur bislaatiyo Midho dhiin guduudana Dhaayuhu arkaayaan Dhayal looma heese Dhankastaba bishaarooy Adaa iga dhiganee Soomaali dhaladiyo Dhoolkiisa tahee Quruxdaada dhilaneey Dhawrsano hadaan qoro Dhabtii koobi maayee Dhaqan iyo asluubiyo Hida aan is dhalan rogin Rabi kuu dhameeyoo Sina uma dhataalnide Dhitayahay qarsoonee Naftu dheefsanaysaa Qalbigaa dhaqaalee Dhayal looma heese Dhan kastaba bishaarooy Adaa iga dhiganoo Soomaali dhaladiyo Dhoolkii saraa tahaye
Queue is empty
-- / --