Duriyadii xalaashaay
Dookhii naftaydaan
Aan kula dardaarmee
Dumarkaba dhamaantood
Haldoorkoodibaa tahay
Kaa doortay aniguna
Dalxiiskeena caashaqa
Farxad iyo damaashaad
Aan ku wada dakaynee
Ma tagnaa dalkeenoo
Dagalkii carmeediyo
Bari ma u dawaafnaa
Durmaanada ciyaartiyo
Deelayda maansada
Hala inoo dareershoo
Hala inoogu deeqee

Duriyadii xalaashaay
Ubixii dalkaygoo
Qurux daa,in siiyaay
Dabcigiyo wanaagiyo
Daganaanta hadalkaa
Kaaga daba rucleeyee
Dooxooyin quruxloo
Doogiyo cagaar badan
Aan ku wada dakaynee
Ma tagnaa dalkeenoo
Dagalkii carmeediyo
Bari ma u dawaafnaa
Aqal dadabsanoo wacan
Damalada ku dhinac yaal
Alashuna ku daxan tahay
Hala inoogu deeqee

Exit mobile version