VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dalsan - Lyrics

Dalsan waa dhulkeenee Dagalka oo barwaaqa Oo dirirka oo barwaaqiyo Dambarsame ku jiifsaday Oo dacalkaad eegtaba Dhulka daaqu qariyoo Doogii guyaadiyo Siman tahay dareemadu Oo dalawa geeliyo Duunyadu irmaantoo Daganaanshiyo nabad Deegaanka lagu yaal Daymada sidoodaa Adiguna i deeqdoo Ishaa doojinaysaa Kuu dabacday laabtuna Oo waan ku doortaye Dajiyaay isoo raac Dayaxooy geenyooy Yurubeey xilkaa gudo Deeqii waatan eebe Xili uu gugii da,ay Oo damasha geedaha Dusha ubaxii buuxsamay Oo dacalka buuraha Iyo dooxyadeenaba Dhibicii darooriyo Biyihii durdurayaan Oo awrka doobiyayiyo Faras wada dananiyo Daylada hooranaysaa Jiibta isla doonteen Daymada sodoodaad Adiguna i deeqdoo Nafta doojinaysaa Kuu dabacday laabtuna Oo waan kuu doortayee Geela doobiga u qaad Garta duub usoo xidho Deeqsiyoow macaanoow Iskalaajiyoow xilkaa gudo
Queue is empty
-- / --