Dalsan waa dhulkeenee
Dagalka oo barwaaqa
Oo dirirka oo barwaaqiyo
Dambarsame ku jiifsaday
Oo dacalkaad eegtaba
Dhulka daaqu qariyoo
Doogii guyaadiyo
Siman tahay dareemadu
Oo dalawa geeliyo
Duunyadu irmaantoo
Daganaanshiyo nabad
Deegaanka lagu yaal
Daymada sidoodaa
Adiguna i deeqdoo
Ishaa doojinaysaa
Kuu dabacday laabtuna
Oo waan ku doortaye
Dajiyaay isoo raac
Dayaxooy geenyooy
Yurubeey xilkaa gudo

Deeqii waatan eebe
Xili uu gugii da,ay
Oo damasha geedaha
Dusha ubaxii buuxsamay
Oo dacalka buuraha
Iyo dooxyadeenaba
Dhibicii darooriyo
Biyihii durdurayaan
Oo awrka doobiyayiyo
Faras wada dananiyo
Daylada hooranaysaa
Jiibta isla doonteen
Daymada sodoodaad
Adiguna i deeqdoo
Nafta doojinaysaa
Kuu dabacday laabtuna
Oo waan kuu doortayee
Geela doobiga u qaad
Garta duub usoo xidho
Deeqsiyoow macaanoow
Iskalaajiyoow xilkaa gudo

Exit mobile version