Iskilaaji:
Inanyahay  dooq iyo kalgacal
ayaa igu kaa darooo
Dushaan kaa eegi jiray
Dumarna waan kugu jeclahay

Hodan:
Inkastoow doonis iyo jacayl
Dab iyo baaruud yihiin
Hadana dirqi kuma hergaloo,
Haday naftu didantahay

Iskilaaji:
Adaa door iyo habeen
Dareenkayg kula jiraa
Dantaydiina beelshee
Macaan adna ha ii darnaa
Adaan kaa daba dhacee

Hodan :
Anoo kuu deerinee
Dhibkana kuu diidanee
?
Inaana kula daadahshee
Kadaydayo meel kale

ISkilaaji
Miyaad jir dubaaxshiyo
Lahayn damiir ii damqada
Dadnimo kugu leexsaneen
Inaba ii diirnaxeen

Hodan:
Dawaar horaa tiri
Aduun waa isdaba maraa
Haduu kula dagay waqtigu
Dan iyo ceel kaama ridin

ISkilaaji:
Dunida waa waayo quree
Armuu nafsi kula dagsaa
Intuu irdahaaga dago
Adoo la ildaran jaceyl
Hadhow aan kugu digtaa

Hodan:
Dareenkayga iyo qalbigu
Waxuu igu daray mid kale
Inaan kuu soo durqo
Marna dabac ha iga filan
Ka daydayo meel kale

Exit mobile version