Heesta Damiir - Lyrics
Inanyahay dookhiyo kalgacal
Ayaa igu kaa daroo
Dushaan kaa eegan jiray
Dumarna waan kuu jeclahay
Inkastoo doonis iyo jacayl
Dab iyo baaruud yihiin
Hadana dirqi kuma hirgalo
Haday naftu diidan tahay
Adaa duhur iyo habeen
Dareenkay kula jiraa
Dantaydiina baylahshee
Macaan adna hay darnaan
Adaan kaa daba dhacee
Anoon kuu dayrinayn
Si kale kuu diidanayn
Diyaar uma ihi hadeer
Inaan kula daadahshee
La daydayo meela kale
Miyaan jidh dubaaxsha iyo
Lahayn damiir ii damqada
Dadnimo kugu leexsanayn
Inaba ii diirnaxayn
Dawaarad wareegta iyo
Aduun ways daba maraa
Haduu kula dagay wakhtigu
Daniyo xilo kaama lihi
Dunidu waa ayaan qudhee
Armuu nafsi kula darshaa
Intuu gondahaaga dago
Adoo la ildaran jacayl
Hadhaw aan kugu digtaa
Dareenkaygiyo qalbiga
Wuxuu igu daray mid kale
Inaan kusoo durkiyo
Marnaba dabac ha iga filan
La daydayo meelo kale