Dhararkiyo lixaadkiyo
Dhabanada labeenta leh
Dhexda taako qabadka
Siduu eebe kuu dhigay
Markii aan ku dhawraba
Dhaygagiyo layaabiyo
Dhakafaar daraadii
Afkaa kala dhaqaaqoo
Shanta dhabka saaraa
Wali waxaan ku dhololaa
Inagoo dhismaha guur
Dhidibada u taagnoo
Dharaartii timaadaba
Kugu kuusha dhaayaha

Dhaqankiyo asluubtiyo
Dhugashada dareenka leh
Dhankastaba xariiriyo
Sidaad dheeman uga tahay
Dhabtii waxaad ku fiicnayd
Marsin iyo dhanaNiyo
Inaad joogto dhagaxbuur
Iyo dhuuxii raasoo
Dhulkeenii ku nooshay
Wali waxan ku dhololaa
Inagoo dhismaha guur
Dhidibada u taagnoo
Dharaartii timaadaba
Kugu kuusha dhaayaha

Exit mobile version