Heesta Dhamays - Lyrics
Sida ubaxa dayreed
Dannoodiyo kuyaal nogob
Oo ay daruuruhu
Dusha sare hareeyeen
Maankayga deeqdee
Adna boqor la doortoo
Dar ilaahay eexiyo
Dibindaabyo lagu xaman
Bilic loo xushaayoo
La dugaashadaad tahay
deeymadaada oo qura
Dunidaba masiisteen
Iyo dahabka ceeyriin
Dulucdiyo ujeedada
Ragga doorka noo kacay
Hanadkaan ka doortoo
Hanadkaan ka doortoo
Dumar aragtidoodaay
Degan hooyadaabaa
Dadnimada karaacdoo
Doc kastaba dhammayseey
Dookhaygiibaa tahay
In aad tahay
Nin dooroo
Dadnimiyo aqoon loo
Deeqsinimo u dheer tahay
Qalbigaad daweeysiyo
Dareenkaa qabaa ogee
Dhul uu daadku jiifoo
Dooggiii kasoo baxay
Dixdiyo dareemaha
Darantu ay ku badan tahay
Xooluhuna ku dararaan
Sida dirirka rooboo
Duunyadu ku naaxdoo
Nooluhu ku diirsadoo
Qalbigayga deeqdoo waan kugu ducaystaa
Dal barwaaqo inan yahay
Aan wada dalxiisnee
Dacalkaaga ila qabo
Docdii aad igaysaba
Anaa kuu diyaaroo
Kula duuban inanyahoow
Kula duuban inanyahoow
Dumar aragtidoodaay
Degan hooyadaabaa
Dadnimada karaacdee
Doc kastaba dhammayseey
Dookhaygiibaa tahay
In aad tahay
Nin dooroo
Dadnimiyo aqoon loo
Deeqsinimo u dheer tahay
Qalbigaad daweeysiyo
Dareenkaa qabaa ogee