Dhito caashaqoo
Mariid lagu dhexdaray
Sida dhayda geel
Dhamayoo habeen
Dhib wuxuu i baday
Dhulka iga kaxee
Cirka igu dhawee
Dhexdhexaad hawada
Igu dheelayoo
Iga dhumi wakhtigii
Wali siduu dhigayga
Jacayl dhiig mareenkiyo
Dhuuxiyo lafaha dhabar
Dhabtii uu ukala jaray
Dhakhtar caafimaadiyo
Dhaymo waxaan la,aadaba
Dhakhsaan uga dawooboo
Helay dheeman luul

Yartaan dheehan jirayeey
Dhawrayeen lahaa
Sida dheef macaan
Dhuunta yaa marshoo
Dhibka yaa kajira
Dhabtii waa yartii
Ii dhaxday aniga
Dhiiga aan qaybsanoo
Dhankii aan dayaba
Waa dhamays haween
Wali siduu dhigaygaay
Jacayl dhiig mareenkiyo
Dhuuxiyo lafaha dhabar
Dhabtii uu u kala jaray
Dhakhtar caafimaadiyo
Dhaymo waxaan la,aadaba
Dhakhsaan uga dawooboo
Helay dheeman iyo luul

Exit mobile version