Heesta Faraanti - Lyrics
Suuraddaada wacaniyo
Sarajooga muuqiyo
Sanqaroorka kugu yaal
Siijeedka socodkiyo
Sinta bidixda laafyaha
Sad waxaad wadaagtaan
Soo socodka daa'uus
Sikastaan ku eegaba
Soomaalaad usidataa
Sokeeyaay wanaaggee
Aan faraanti kusiiyee
Su'aal ha igu soo gocan
Farxad weeye caashaqu
Soow taan bayaanshoo
Soo dhaafshay uurkee
Adiguna saluuglaay
Sad waxaad kuleedahay
Silsiladda laf dhabartiyo saableeda feeraha
Sida beerka iyo wadnaha
Sambabada abbaartoo
Sookkeeyaay wanaageey
Aan faraanti kusiiyee
Su'aal ha igu soo gocan