Heesta Fartuun - Lyrics
inantaan calmadaybaan dadyow wali casuumaaye
cindigayga kama guurinoo way i cajabisaaye
maankay cilaashtaa fartuun beertay caashaqane
canbar weeyiyoo waa udgoon caraf ku saaqdaaye
waa sida caleen doogsatoo oo cagaar badane
camal samida waa lagu dhalo lagu ciseeyaaye
cirka iyo hadaan maro dhulkoo cariga soo baadho
oo aan cadaadiyo ka xulo taniyo ceelaanyo
ceerigaabo ilaa xamar caday cado la soo baadho
carshintii nugaaliyo hadaan caawa tago baylaa
ciil tira sideedaas ma helo caawiyoo kale ee
CASIISOW ILAAHOW fartuun ceesh aan wadaagnaa
curdan weeyoo ma galin sano cishriinaade
caman quruxsan cabaadhyaha surkiyo timaha caynkooda
indho cawl ah ciridkaa madaw dhoolaha cadaynta
midab ciida maariin cas galay quruxda ceegaagta
hadal cadho le may baraninoo lagu yar ciishoone
cidlo looma heesee ka mudan dahabka cayne
cosobkii hargaysiyo hadaan cali sabiix aado
ama ceelka dooliyo jijiga caadi u abaaro
dhanka caabud waaq iyo hadaan gedo usoo ciiro
caafiya hadii aan ka dayo caawa balad wayne