VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Foosiya - Lyrics

Foosiyaay jacayl Anigoon filayn Niyadana u furin Sawkan ila falgalay Feeraha jidhkiyo Sambabada ku fiday Wadnahana fadhiya Oon iga fogayn Fikir iyo dhibaa Igu fara batoo Fajac igu ridee Ee bal maxaan falaa Foosiyaay kalgacal Waygu faafayee Ha igu fiirsanee Fadlan wax ila qabo Fiidiyo habeen Cidiyahaan faruhu Fooriyo dabayl Oon kula faqee Fikir iyo dhibaa Igu fara batoo Fajac igu ridee Bal maxaan falaa
Queue is empty
-- / --