VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gaalkacyo - Lyrics

Caashaqu ma guuroo Ma guuroo ma gaabtee Haniyeey gob weeyaan Waa geed hadhwaynloo Guudka midho ku yeeshoo Waligii la goostee Ana gocoshadaydii Gurigaad ku noolaydiyo Gaalkacyaan xasuustaa Oo gacalooy inaabtaay Gurigii yamayskaan Riyo kaaga goobaa Inkaston godoomoon Kala guurnay waayana Laabta kaama goynoo Galsooriyo israaciyo Faraxleey garkeedaan Wali gaadh is leeyahay Bada garacad xeebtiyo Gidi mudug dhamaan baan Gobaadeey ku haybshaa Oo gacalooy inaabtaay Gurigii yamayskaan Riyo kaaga goobaa
Queue is empty
-- / --