Heesta Garoowe - Lyrics
Anigoo garoowiyo
Kunool guda nugaaleed
Galad eebbe lagu jiro
Soow gabar qurxoonoo
Hiddaheenna gaarkaa
Iyo xiran gareeskii
Oo timaha guudkuna
Intay dhabarka gaaree
Hadba gees u dhacayaan
Gar ilaahay maan arag
Gacan qaadka dabadii
Sida gobiyo xaalkeed
Guddoon caashaq maan oran
Waxaan ahay gayaankaa
Guri aan yagleelnee
Geestaada ila qabo
Wuxuu guulle kuu qoran
Gees laga maraan jirin
Waxa jacaylku ii galay
Midaan abid la gaarayn
Garashana udheertahoo
Gabdhahana u sharaf badan
Gobanimaa udhalatoo
Geesi aabaheediyo
Hooyo soo gardaadisoo
Ku barbaartiyo guri wacan
Sheekada gunteediyo
Go'aankeedu wuxuu yahay
Aan kusoo gunaanadaa
Waxaan ahay gayaankaa
Guri aan yagleelnee
Geestaada ila qabo