1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
Sida gayigeena hooyaa
Buuhoodle garoowiyo
Amase goonyaha jogjiga
Intuu biyo dhigay habeenba
Geenyooy quruxdeeda leedahay
Waxaa tahay garasho badan
Gobaa tahay iyo dhalan
Dumarba lama aad gudboonide
Hanaay ma is guursanaa
Waxaa tahay geesi adagoo
Hadana gibil iigu yaaloo
Gacale ina abtigay rumaadoow
Gayaan ii xiga aduunkee
Miyaan kuba goyn karayaa
Kuu dhiibe gacanta hoo
Gorfeeyoo adigu tali
Naftaa gaar kuu jeclaatee
Cabdoow ana waa gudoon
Sidii gacan wabi ka baxayoo
Ubax guudkiisa qariyoo
Amase geel intuu markaa dhalay
Naqiyo godan barwaaqa jooga
Geenyooy quruxdeeda leedahay
Waxaa tahay garasho badan
Gobaad tahay iyo dhalan
Dumarba lama aad gudboonide
Hanaay ma is guursanaa
Sidii shanta gacal wadaagtiyo
Africa geeskaynu leenahay
Amasee calankeena guud sudhan
Adaa gaar iiga mudan sharaf
Raboow guuloow ku daa
Kuu dhiibee gacanta hoo
Gorfeeyoo adigu tali
Naftaa gaar kuu jeclaatee
Cabdoow ana waa gudoon