Gabadhaan gayaankay
Guur ugu hawoodoo
Inta kale u gees maray
Oo gaar usoo xusha tahay

Wiilkaan guyaal badan
Aan u goomanaayoo
Maankayga gubayee
Ku guulaystaybaa tahay

Gerimaale roobiyo
Onkod galalacyeeyiyo
Gal xareedi jiiftiyo
Guri lagu nastaa tahay

Guryo samo barwaaqoo
Geeduhu cagaarmeen
Garangoori lagu arag
La gabaansada tahay

Guulaynu barinaye
Guurkeenu kii khayr
Labadaan is gabine
Kala guurin waligood

Guulaynu barinaye
Guurkeenu kii khayr
Labadaan is gabine
Kala guurin waligood

Exit mobile version