VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Godob - Lyrics

Gu,yaal tagay gucashadooda Dadbay tahay hibashadoodu Garaadku inuu xasuustee Garasho bal nafyahay yeelo Garwaaqso go,aano qaado 2× Gabdhaha midaan haybinaayay Haweenkaba taan ka goobay Gayaan midii aan ka doortay Guulahay miduu iigu deeqay 2× Haday garabkayga joogto Inaan gees kaleeta eego Godob iyo waa Dhib weyne Damiirka nafyahay gaboodso Iimaha guracana ka gaabso Hankaaga intaad gudayso Danaha rasmiyeey rasmiyeey Rasmiyeey gudoonso Danaha rasmiyeey gudoonso 2× Wixii galbadee ku dhaafay Inaad goobto ood ku daasho Gardariyo waa dhibkaage Naftaydaay maan gargaarso Gu,aadiyo ciil ka rayso 2× Gayaanka midaan ciseeyaay Midaan gaar uga jeclaadaay Inaan gacaloy idhaahdo Midaan kaligeed gorfaystay 2× Haday garabkayga joogto Inaan gees kaleeta eego Godob iyo waa Dhib weyne Damiirka nafyahay gaboodso Iimaha guracana ka gaabso Hankaaga intaad gudayso Danaha rasmiyeey rasmiyeey Rasmiyeey gudoonso Danaha rasmiyeey gudoonso 2×
Queue is empty
-- / --