Gu,yaal tagay gucashadooda
Dadbay tahay hibashadoodu
Garaadku inuu xasuustee
Garasho bal nafyahay yeelo
Garwaaqso go,aano qaado
2×
Gabdhaha midaan haybinaayay
Haweenkaba taan ka goobay
Gayaan midii aan ka doortay
Guulahay miduu iigu deeqay
2×
Haday garabkayga joogto
Inaan gees kaleeta eego
Godob iyo waa Dhib weyne
Damiirka nafyahay gaboodso
Iimaha guracana ka gaabso
Hankaaga intaad gudayso
Danaha rasmiyeey rasmiyeey
Rasmiyeey gudoonso
Danaha rasmiyeey gudoonso
2×
Wixii galbadee ku dhaafay
Inaad goobto ood ku daasho
Gardariyo waa dhibkaage
Naftaydaay maan gargaarso
Gu,aadiyo ciil ka rayso
2×
Gayaanka midaan ciseeyaay
Midaan gaar uga jeclaadaay
Inaan gacaloy idhaahdo
Midaan kaligeed gorfaystay
2×
Haday garabkayga joogto
Inaan gees kaleeta eego
Godob iyo waa Dhib weyne
Damiirka nafyahay gaboodso
Iimaha guracana ka gaabso
Hankaaga intaad gudayso
Danaha rasmiyeey rasmiyeey
Rasmiyeey gudoonso
Danaha rasmiyeey gudoonso
2×
