inkastoon guyaal badan
gacaltooyo kuu qabay
adigaa gabay dhankaagoo
gurigeenii dumiyey
waxba gacaliye ha odhanine
garka iyo jilbaha iyo
ha iqaban gacmaha oo
geed ha iskusoo qarin
waxay gabi dhaclaysoo
gad gadoontu xaajadu
way gaba gabowdee
gocashada iska ilow

guulaheen siduu yiri
ruuxii ku gooyee
garab mara xaqiiqada
markuu garan jabkiisee
inta guudka dabatiyo
anigoo gabdhahoo idil
adi kaaga soo go,ay
ayaad galab carowdee
waxay gabi dhaclaysoo
gad gadoonto xaajadu
way gaba gabowdee
gocashada iska ilow

Exit mobile version