Heesta Guur - Lyrics
Guurku waa naruuriyo
Nasteexiyo barwaaqee
Waa wada nagaashee
Waa nolal aayatiin leh
Nasri weeye eebboo
Dadka ugu nimceeyee
Nashaadaadka ruuxdiyo
Neecaw qaboow leh
Naxariis qaboow leh
Idinkana nasiibkiin
Farxiyaay nasiibkiin
Faaraxoow nasiibkiin
Nacam wuu hagaagoo
Maba kala nusqaamin
Guurku waa ninkoo hela
Noolaha miduu rabay
Farxiyoo kaleetiyo
Raalliyo u noqotee
Nasri weeye eebboo
Dadka ugu nimceeyee
Nashaadaadka ruuxdiyo
Neecaw qaboow leh
Naxariis qaboow leh
Idinkana nasiibkiin
Farxiyaay nasiibkiin
Faaraxoow nasiibkiin
Nacam wuu hagaagoo
Maba kala nusqaamin