VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ha iijibin - Lyrics

Nasiibyahow maad samayn Markaad dadkan nooca badan Naqayso i tidhi mid aan Noloshu waxay tahay aqoon. Kalyahay nabarrada wakhtiga Nitaaqada waan mutee Maantaba nidar ila saxeex. Jacaylladan naafada ah Namiinkiyo xaasid ka ah U noqon maayee ogow! Naftaydaay ha i dirqiyin Kun jeer baad niyad jabtee Qalbigu ha i yara nastee Ha ii jabin ruux i neceb. Anoo naxariis kalgacal Nasteexo ku soor lahaa Wadnaha ku nagee lahaa Nabdiga ku xariiq lahaa Wakhtiga nacab igu dariyo Dookhaygoow iimaad nixin Adaa igu nabay qofkaa Dhibkayga ku naaxayoo Nac iyo xume waan mutee Mar kale ha i beer nuglayn.
Queue is empty
-- / --