Horyaalkii quruxda iyo
Hormoodkii da,daydaay
Adaan hoodooy intaa
Laabta kugu hayaa abid

Hanadoow haybadloow waxaa tahay
Wiil lagu hirtaayoo
Qudha lagu halayn karo
Haben dhalad ayaa tahee

Haweenkaba dhamaantii
Adigaa hidiyo dhaqan
La hagoogtay sharafo
Hitinayaa gobonimo

Hubaaltii waxaa tahay
Midaan horeba loo arag
Halkaad noogi talisana
Hawraarsan leeyahay

Hab isii macaaneey
Haka,a aan idhaahdee
Hana daysoo hawshuye

Waakana qalbiga hoo
Ku nasoo halbawlaha hoo
Hantidaada weeyee hoo

Dhaaxaan ku haybshoo
Hayin dheer usoo galay
Qalbi hanashadaadiyo
Inan helo naftaadee

Gal adayg inaa tahay
Halyay dhaba aad tahay
Hacoonimo ka dhertoo
U horeyso qayrkaa

Hadertana sidaan qabo
Hoy aad ka maqan tahay
Habeen kuma dhaxaayoo
Hurdo kama ladaayee

Hubaal waan ogsoonahee
Alloow hayna kala wadin
Hada aan dhamaynoo
Ha hirgalo jacaylkuye

Hab isii macaaneey
Haaka aan nidhaano
Hana dayso hawshuye

Waakana qalbiga hoo
Ku nasoo halbawlaha hoo
Hantidaada weeyee iga hoo

Exit mobile version