VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hadhuub caashaq - Lyrics

Hamuun baan kuu qaba Intaa waan ku haybiyaa Habooneey caashaqu Hadeer wuu igu habsaday Halista haankiyo qalbiga Ayuu iga hawlayaayee Halbawlaha dhiiga habiyo Wuxuu ka hugmaa wadnaha Inuu halis yahay jacayl Abwaanadu heesa iyo Ku sheegeen maanso hore Waxay i hagaagi lahayd Dhibtuna iga hadhi lahayd Adoo ii hagarbaxee Hadhuub caashaq baan sidaaye Ismahaan iisoo hambee Adaan kuu hayaa wanaag Adaa hanaqiyo laabtiyo Halkaan u nuglahay ku yaal Adaa hadhsadoo hantiyay Adaa iiga dhigan hilaaciyo Daruur igu hoortayo Adaan hablahaba dhamaan Ismahaan aan kula hayaa Inuu hiirtaanyo iyo Hafeef leeyahay jacayl Horaa loo yidhi midaa Waxay ii hagaagi layd Dhibtuna iga hadhi lahayd Adoo ii hagar baxe Hadhuub caashaq baan sidaaye Ismahaan iisoo hambey
Queue is empty
-- / --