VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hanasho Ft Hodan - Lyrics

Haween taan kala baxee Hablaha ka tilmaantayee Hiyigu tuuigu talin Muddaba ku hadraayayee Middii hibo looga dhigay Haybad quruxiyo wanaag La hayn hagardaamadee Hirgali hodaneey hirgali Caashaqan godladey Halyeeygaan ragga kala Baxaw Hanadkii aan goobayoo Naftaan kugu howlanoo Inaan ku hantaan rabaa Hoobaan aan kuu guriyo Hogashu weey noo da dee Hooy aan wacan aan wada galnee I hanoo i hanoo Cabdoow waan kaa helee Hurdadaa taan uga go ee Hariyo jiifka uga tagay Halboowlaha dhiigga iyoo Wadnahaan hooy kaaga dhigay Adaa harsadoo hantiyay Hareeraha beerkiyoo Hawaduu meeshay martee Hirgali hodaneey Hirgali caashaqaan godladay Muddabaa kaan haybiyee Naftaa u hibeeyayoo Hawraartu weey iga dhantahee Hadmaan wada hooy galnaa Adaa isku keey huroo Runtii haybad kuu noqder Hammigaan kugu kaydiyee I hanoo i hanoo Hubaal waan ka helee
Queue is empty
-- / --