VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hanti - Lyrics

hanti la isa siiyiyo micno ma laha hoodiyo qof dantaada kugu haga talo fiiican kuu hura lama helo aduunyada hiigsigaaga noloshiyo hamigiyo u jeedada intaa kaa halaysa ee ku hanqaartabaa badan dadbuu horumarkaagiyo dhibayaa hankaaguye dibnahaaga haysoo halka aad u jeediyo hadafkaagu yuu garan hawl yaraan dadkoo dhami xogahaaga wada helin ha u iloobin barashada hada ruuxaad kulanteen dagdag ha isu dhiibine dib wuxuu ka noqon hubi haki xiisahaagoo feejignaanta ku horee hoosaaso beenaad yaan lagu hadoodino ka hadhoo ka dheeroow mar hadaaan lagu hayn waa halis jacaylkuye u hubsoo dadkana kii hibo qaybsi kuu gala kuu hiisha kula jira ha la siman cidee garoo
Queue is empty
-- / --