VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Heybteyda - Lyrics

Anoo hodaneey Ku heli kara Habbooneey Anoo ku hanan karar Hinduu ma anigaa U hawoon kara Gayaan hidda raacay Hooyaday Hibaaq anigoo Ku hiran kara Hantiyi kara Hoodo iyo farax Hele nin sarqaansan Kama helo Hilwood kumaa doorsan karo Hiboo Qalbiga halacsadaa hirbeenaad Wuxuu u helaa hungaad dhaxal Hilbaha i xiga hub weeye Haybteeda masiisto hayb kale Hankeey koriyaan hablahayagu Harweeye qaboow hablahayagu Hirdoogliyo waa harraad tiraa Waxay huwan yihiin hiddiyo dhaqan Hoodaaluhu waa ninkii helaaa Dhabtii hodan baa hillow lehe Intaan halaqyada la hoy galo Hurdaba ma anigaa kulada halis Haweeyaanoo hirwiyo saar La jabin kara heella dhaanta leh Hiphab uma qaado heelaree Anigu kuma haysto haafxiran Habeena dhaxa aanna soo hooyan Haldhaadaleh muuqaa heegada Intaba ninkii haystaa waa hodan Tabtii halganiyo hinddiyo ubax Ninkii huwadaaye guul hanay Hankeey koriyaan hablahayagu Harweeye qaboow hablahayagu Hirdoogliyo waa harraad tiraa Waxay huwan yihiin hiddiyo dhaqan Hoodaaluhu waa ninkii helaaa
Queue is empty
-- / --