VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Himilo - Lyrics

Hufnaantiyo xishoodkaa Haweenkaba ku dhaaftee hogoshiyo daruurtii ka hilaacdeey mudugeey Hablaha butlaanee Hidihiyo aqoontaba hanti looga yeelaa Adna ugu horeysaa Ana himiladaydiyo Hiigsigaygii noloshaay Haboow kuma imaanine Walaal hanad ku jeceloo Hanaankaagu deeqoo Halyeey kula dhashaan ahay Hadafkaygu waa guur Hambalyada arooskana hareeraha garoowiyo Buuhoodle iyo hawd Iyo laaska hodanka Hoga ceerigaabiyo Badhan iyo hadaaftimo Hilinkaa qardhoodiyo Halkii boqorku dagi jiray Hurdiya iyo baargaal Bada loo helawdiyo Hirka garacad iyo eyl Shaxdoo roob ku hooriyo Heema iyo goldogobaan Hadba meel ku gaynoo Heelo kaaga tumayaa Halkii aan ku dhalaniyo Gaalkacyoo la hurinbaa Hoyga kaaga dhigayaa Hubsiimadu waa sade Sidaan huuno kuu rabo Adna maygu hagarbixi
Queue is empty
-- / --