VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jikraar - Lyrics

Ma igtahay jamalkaaga Iyo jaaha quruxdaada Inaan soo jaleecayoo Oo ha jirabin qof kuu jeelan Ha jikaarin weedhiisa Jabaqdaada yuu waayin Jamashadu dhib weeyaane Naftan kuu jiboonaysa Jacaylkiisa haku diidin Qofka caashaq janjaamay Oo dartaa jodiin daayay Haku xidhin jiqdaa oodan Oo haka raacin jeeb buuxa Jismigiisa haka roorin Ha u jeedin dhabarkaaga Jamashadu dhib weeyaane Naftan kuu jiboonaysa Jacaylkiisa haku diidin
Queue is empty
-- / --