VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta jiriirico - Lyrics

inanyahay jamaalkiyo jalaqsani u dhalataay inanyohow jidh iyo xoog joog uu u dheeryahay jaleecadan ku eegaba indhuhu kaama jeestan waanan kuu jirabanahay idhiidhico kalgacalbaa jidhka la idhex rooroo i jibaaxay awgaaye inaan wada jirnaayoo wada joogno abidbaan inanyahay jeclaystee jaar ma wada ahaanaa jibadka iga baxayaa jacayl dhabaha weeyoo jib aan adiga kuu qabee jawaabtaydu waa haa jawharad la moodyeey jeegaan sideedaay jajabnaanta caashaqa iyo jaaha nuurka le iisoo jiidataayoo jeex iga midaad tehee nacab yuu ina kala jarin ayaan kugu jeclaadee axdigoo an jabiyiyo jikaar ha iga filan ani
Queue is empty
-- / --