dabiibay maan daweeya
daryeelay ruux dayoobay
inaan hurumar daneeyo
dugsiiya dhaxanta dayra
nimaan diidayo fopgeeya

dadaalaay ceeb daboola
anoo qaldamay dul qaadata
gob badan samaha doona
darajadaydaay libta kenta
hadu tabo adiga kudheerahay'

adoo iidiran ideeqaay
sidii damal iihareeyay
haween kugu doorsan maayo
habeen kula doodi maayo
walee ku dagaali maayo
dulmina kuu quudhi maayo

qof daacada oon daneeyo
qof iidiran oo idiiran
qof aan ku dagoo ideeqday
dabeecad sanoo dun fiican
dareenta waxaan dan moodo

qof diinloo xuma diida
dirkii janadeen la doorta
dadkii samhehee dadaalay
kugu daabacoo kuugu duugay
kugu dayray adi laabku doontay

Exit mobile version