inkastoo da ada ka
cugtoo ka calmaday uunka
inkastoo qalbiga ku
culoon ka dalbaday ciirsi

oon cadkayga kuu
haysta iyo cududa ruuxdayda
cisho qura adan eray
itarin ciidan kale daaye

sidad iigu culustay
hadan ku cajabin wayay
oo caashaqan ku bandhigay
kuu cuntami waayey

lama cuno aduunyada
waxaan calaf ku siinayna
ku cugtaye nasiibka
rajada caawin garan waayey

inan ceesha wadaagnaan
jeclaa wada cawaynaaye
caynkan danayn jiray
hadaan calafku ii yeelin

casriga israac doonino
aan ku ciil bixiyee
ha cidloonin dabaday
walal ceeb laan tagayee

curub yahay anoo ku
qirtoo caashaq ku qaasay
ku cadeeyay xaalkayga
oon aanan ka qarinin

codsigayga adigan ii
tixgelin oo i caasiyaye
ma sidaan caqliga kugu
saday mise colaadaada

cuud kale anoon
sheeganiyo ciirsi kale toona
caro edegna aadmiga
ku nool aan cidkugu doorsan

iyo u coldhanshuu ahaa
caashaqan hurayee
haba culin lahayda
intan heeso ku cataabay

Exit mobile version