VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Naf teedu dhibayso - Lyrics

Marka ruux kugu dheeri Aragaaga ka dhuunto Ama kaad isku dhiibtay Hadalkaaga ka dhaarto Sow bukaan dhakhtarkiisu Ku dheeldheelaayo maaha 2x Ka dhaqaaq ma awoodo Ku dhawowna ma dhaanto Waa jikaar ku dhawowee Naf nafteedu dhibayso Dhanna show uma roona 2x Meel sokaa la dhayaaye Dhamac uurka gubaysa Dhibic roob ma bogsiiso Ama show dhacankaa gub Dhaxantaada ma biiso 2x In kastoon kugu dhaatay Dad ku dhaafsani waayay Is lahaa dhaqo oo dhis Dhab dhab kuugu dedaalay Dhinacaan wax ka eegay Adigaan wax ka dheehan 2x Marna kuuma dhacaayoo Dhambaalkaygu ilaynoo Dhagba kuuma dalooshee Dhagax ruuxda jeclaatay Ha dhamaysato ciilka 2x Meel sokaa la dhayaaye Dhamac uurka gubaysa Dhibic roob ma bogsiiso Ama show dhacankaa gub Dhaxantaada ma biiso 2x
Queue is empty
-- / --