Marka ruux kugu dheeri
Aragaaga ka dhuunto
Ama kaad isku dhiibtay
Hadalkaaga ka dhaarto
Sow bukaan dhakhtarkiisu
Ku dheeldheelaayo maaha
2x

Ka dhaqaaq ma awoodo
Ku dhawowna ma dhaanto
Waa jikaar ku dhawowee
Naf nafteedu dhibayso
Dhanna show uma roona
2x

Meel sokaa la dhayaaye
Dhamac uurka gubaysa
Dhibic roob ma bogsiiso
Ama show dhacankaa gub
Dhaxantaada ma biiso
2x

In kastoon kugu dhaatay
Dad ku dhaafsani waayay
Is lahaa dhaqo oo dhis
Dhab dhab kuugu dedaalay
Dhinacaan wax ka eegay
Adigaan wax ka dheehan
2x

Marna kuuma dhacaayoo
Dhambaalkaygu ilaynoo
Dhagba kuuma dalooshee
Dhagax ruuxda jeclaatay
Ha dhamaysato ciilka
2x

Meel sokaa la dhayaaye
Dhamac uurka gubaysa
Dhibic roob ma bogsiiso
Ama show dhacankaa gub
Dhaxantaada ma biiso
2x

Exit mobile version